Qulqulka Muhaajiriinta ka tallaabaya soohdinta u dhexeysa Turkiga iyo Giriigga oo sare u sii kacaya

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegtay in muhaajiriin ay tiradoodu ka badan tahay 130.000 ay ka dhaqaaqeen dalka Turkiga kuwaa oo afka saaray dhanka dalka Giriigga.

Qulqulka muhaajiriinta ayaa bilowday kaddib markii Khamiistii la soo dhaafay xukuumadda Ankara ay shaacisay in aanay is hor taageynin muhaajiriinta doonaya in ay u tallaabaan qaaradda Yurub.

Bilowgii todobaadkan madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Ordogan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu albaabada u furayo qaxootiga doonaya in ay galaan qaaradda Yurub isaga oo hoosta ka xarriiqay in Turkigu aanu taag iyo tabar toona u heynin in ay sii hayaan muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here