Qoys ka kooban 18 Caruur iyo Laba Hooyo oo Duruufo Nololeed Heysatay oo Deeq Raashin Lagaar siiiyey

0
235

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Daruufaha Nololeed ee kajirta Dalka gaar ahaan Dadka ku nool Magaalada Baydhaba ayaa ah kuwa iska badan maadama Daryeel Bulshada aysan jirin shaqa abuurkana uu yahay mid aad u yar taasi ayaa keenta mararka qaar in La arko Qoysas Nolosha dhulka dhigta sida qoyskaani oo ka kooban 18 Caruur Laba qoys isku ah Aabihii Caruurta Labada Xaas ka kala dhalay oo geeriyoodey Labadii Xaasna Hada Umul kujiraan waxaa deeq Raashin ah gaarsiiyay oo ka dambqaday Senetaro Wasiiro iyo Maamulka Degmada Baydhaba maadama Nolosha qoyskaani aad u liidatay Waxaa kawarameysa Hooyadii dhashay Aabihii dhalay Caruurtaan oo wayeel ah waxayna u mahad celisey Madaxda Kaalmadan soo gaarsiisey.

Godoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada Baydhaba Yuusuf Barre oo ka waramayay dhibaatada kajirta dalka gaar Degmadaan Baydhaba wuxuu sheegay in lays gurmado ay tahay waxa kaliya Bulshada dhibaatada kaga bixi karaan.

Warkan Waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here