Qaar kamid ah Barakacyaasha Magaalada Baydhabo oo Codsaday in Gar gaar lala soo gaaro

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Iyadoo weli magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay soo gaareyaan Barakacyaal Cusub oo ka soo barakacay qaar ka mid ah deegaanada Koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxey dalbadeen qaar ka mid ah dadkaasi in gargaar lala soo gaaro, waxaana gudomiyaha kaamka Oomane ay sheegtay in dadka ku nool kaamkaasi aysan heysan waxyaabaha muhiimka u ah nolosha.

Dhanka kale Gudoomiyaha Daladaha barakacyaasha magaalada baydhabo ibraahim macalin axmed ayaa dhankiisa ka warbixyey xaalada dhamaan qoysaska ku nool xriyaha barakacyaasha eek u yaala magaalada baydhabo, wuxuuna hay,addaha ka codsaday in si weyn loo caawiyo dadka cusub ee soo gaaray magaalada baydhabo.

Warkan waxaa noo heya Abdirahman Yusuf HassanĀ 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here