Nin doonayay in uu bangi lacag dhigto oo booliiska loogu yeeray.

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Nin Madow ah oo u dhashay Mareykanka ayaa maxkamadda geynaya Bangi ku yaalla – Detroit ka dib markii shaqaalaha bangigaasi ay waceen booliiska ka dib markii uu isku dayay in uu lacag dhigto bangigaasi.

Lacagtan ayaa ahayd mid ay maxkamad u xukuntay ka dib markii uu ku guulaystay kiis ku saabsanaa midib takoor lagula kacay.

Sauntore Thomas ayaa doonayay in Jeegga lacagta ay maxkamadaasi u xukuntay uu bangiga dhigto.

Hasa yeeshee, mid ka mid ah shaqaalaha bangiga oo iyada qudheeda ah Madow ayaa diiday in uu lacagtaasi dhigto, waxa ayna wacday booliiska iyada oo uga shakisay in lacagta ay tahay mid uu wax isdabamarin ku helay ama jeegu yahay mid been abuur ah.

Bangiga TCF ee ku yaalla Livonia, Michigan, ayaa bayaan ay soo saareen ka raali galiyay Mr Thomas.

Saraakiisha bangiga ayaa waxay sheegeen in ay taxadar badan muujiyaan marka uu qof bangiga dhiganayo lacago badan.

Balse Mr Thomas, oo horey u ahaa askari ka tirsan ciidamada cirka ayaa imika bangiga maxkamad geynaya.

Mr Thomas, oo ka mid ah dadka deegaanka Detroit, ayaa horey ugu guuleystay kiis uu maxkanmadda ka geeyay qof uu horey ugu shaqayn jiray.

Balse markii uu bangiga tagay si uu lacagtaasi u dhigto ayaa waxaa ka shakiyay shaqaalaha bangiga oo diiday in jeegii uu watay ay aqbalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here