Muxuu yahay qorshaha Liverpool ee Sadio Mane xilli la la xiriirinayo Real Madrid?

0
578

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maamulka kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay iska dhago-tirayaan sheekooyinka xanta ah ee suuqa kala iibsiga, kuwaasoo ku qotoma weeraryahankooda Sadio Mane, waxaana kalsooni badan ay ku qabaan inuu baaqi ku sii ahaan doono garoonka Anfield.

Mane ayaa ka mid ah hal-doorrada Tababare Jurgen Klopp ka saaciday inuu si xawli ah ugu hoggaamiyo Liverpool guulo la taaban karo.

Tan iyo markii uu laacibkan xiddig sare ka noqday Reds, waxaa bartilmaameedsanaysa kooxda Real Madrid, iyadoo Zinedine Zidane uu taageere weyn u yahay 28-sano jirkaan.

Laacibka reer Senegal ayaa sanadkii tagay ka mid noqday musharraxiinta abaal-marinta Ballon d’Or, waxayna sii kordhisay jaceylka u yaalla Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka kooxda Liverpool ayaa doonaya in Mane ay siiyaan qandaraas cusub si uu baaqi ugu sii ahaado muddo fog kooxda Reds, inkastoo heshiiskiisa haatan uu dhici doono sanadka 2023-ka.

Majaladda The Athletic ayaa warrineysa in Liverpool aysan diyaar u ahayn iibinta Mane ama Mohamed Salah, waxaana ay doonayaan inay xiddigahan gacanta u geliyaan heshiisyo qaali ah si ay sanado badan kaga ciyaaraan garoonka Anfield.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here