Muxuu ka yiri Guardiola guushii ay xalay kaga soo heleen Real Madrid garoonka Santiago Bernabéu?

0
307

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa aaminsan in Real Madrid ay ku guuleysan karto inay sameyso natiijo soo laabasho ah kulanka lugta labaad.

Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaartay Real Madrid kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2.

Haddaba macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa kaddib ciyaarta wuxuu shaaca ka qaaday:

“Uma arko wali inaan wax go’aaminay, haddii ay jiraan koox awood u leh in ay natiijada ciyaarta dib uga soo laabato, waa Real Madrid”.

“Real Madrid waxay ku guuleysatay inay dhaliso gool, intii aan ugu fiicneyn ciyaarta, kaddib waxaan dhalinay goolal markii ay iyagu fiicnaayeen”.

“Waxaan abuurnay fursado badan oo goolka hortiisa ah, laakiin Thibaut Courtois wuxuu ahaa mid cajiib ah, ugu dambeyntii waxaan gaarnay natiijo aad u wanaagsan anagoo dhaliyay laba gool”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here