Midowga Yurub oo xuduudaha xirtay si loola dagaallamo fayraska Karoona.

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Midowga Yurub ayaa xayiraad socdaal oo 30 maalmood ah ku soo rogay dhammaan xuduudaha dalalkiisa.

Tallaabada uu ururku ku dhawaaqay ayaa la sheegay in la filayo inuu ka dhaqan galo 26 dal ee ka tirsan Midowga Yurub.

Xayiraadda Midowga Yurub uu soo rogay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordheyso tirada dhimashada dalalka Talyaaniga, Spain iyo Faransiiska.

Qaradda Yurub waxaa si weyn u saameeyey fayraska Corona ee dunida ku sii faafaya, isla markaana dilay ku dhawaad 7,500 oo qof.

Sidoo kale tartanka kubadda cagta Euro 2020 ayaa dib loo dhigay muddo hal sano ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka saf-marka ah ee corona.

Cudurka ayaa wuxuu soo ritay dad ka badan 185,000 ( boqol sideedtan iyo shan kun oo ruux) oo daafaha dunida ku kala nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here