Maxaa ka jira in FIFA ay ka fikireyso in muddada suuqa kala iibsiga uu furnaanayo la kordhiyo?

0
227

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kubadda cagta ayaa diyaar garow u galeysa inay kusoo laabato xaaladdii caadiga ahayd, iyadoo tartamo kala duwan oo dunida daafaheeda ka socday loo joojiyay faafaha Coronavirus awgiis ugu yaraan laba toddobaad.

Dakhli badan oo baaqday kaddib, kooxaha kubadda cagta ayaa isku howli doona inay kasoo kabsadaan dhabar jabka dhaqaale ee soo gaaray, waxaana sidoo kale mugdi badan uu ku jiraa dhaqaalihii ay ka heli jireen xuquuqda TV-yada.

Inkastoo kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub ay ka fikirayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen musiibada dhaqaale ee ku habsatay, misena waxaa saarran culeys kale oo ah ka dukaameysiga suuqa kala iibsiga, xilli ay hubanti tahay dhaqaalaha ka lumay inuu saameyn doono siyaasaddooda suuqa kala iibsiga.

Marka ay sheeko halkaas mareyso, warsidaha The Telegraph ayaa tilmaamay in hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA ay ka fikireyso in muddada suuqa kala iibsiga uu furnaanayo la kordhiyo.

Taas ayaa la micno ah in kooxaha ay la saxiixan karaan xiddigaha ay rabaan laga billaabo bisha July ee bartamaha sanadkan illaa laga gaaro dhammaadka bisha January, waxaana arrintaas kooxaha ka saacideysaa inay billaabi doonaan dukaameysiga marka uu dhammaado xilli ciyaareedka, sidoo kalena ay u soo aruurto lacagtii ay ka heli jireen TV-yada.

Xaaladda lama filaanka ah ee uu sababay COVID-19 ayaa hormuud u noqotay in milkiilayaal badan ay kooxahooda ku debberaan jeebkooda si ay dhexda ugu xirtaan in saxiixyo cusub ay sameeyaan, balse warsidaha Ingiriiska kasoo baxa ayaa niyadda ugu qaboojiyay kooxaha kubadda cagta in suuqa kala iibsiga muddadiisa la kordhin doono, sidoo kalena uusan jiri doonin cadaadis dhanka muddada suuqa kala iibsiga ah.

Xaaladdan ayaa si lama filaan ah ku dhalatay, xilli horraan suuqa kala iibsiga uusan markii hore ku jirin cinwaannada ay FIFA maanka ku heyso.

Isku soo wada duubee, The Telegraph waxay ku adkeysaneysaa in FIFA ay kordhin doonto muddada suuqa kala iibsiga uu furnaanayo, si ay kooxaha u dukaameystaan iyadoo kubadda cagta ay soo kabasho ku jirto.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here