Masuuliyiinta Garoonka diyaaradaha ugu wanaagsan dunida oo ka digay xaaladda COVID-19

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Gegada diyaaradaha ee Changi Airport ee dalka Singapore ayaa ka digay “waqti cabsi leh” oo soo foodsaaraya maadaama saameynta ka dhalatay cudurka faafa ee Covid-19 uusan ka muuqan wax hoos u dhac ah.
Xarunta transit-ka ee Aasiya waxaa si joogto ah loogu yeeraa Garoonka diyaaradeed ee ugu wanaagsan adduunka.

Shirkadda Changi ayaa hakisay howlihii ay ka haysay laba terminal, maadaama duullimaadyadii ay hoos ugu dhaceen heerkii ugu hooseeyay taariikhda.

Waxaa kale oo ay hakisay dhismaha terminalka shanaad ugu yaraan laba sano.

“Dagaalka lagula jiro Covid-19 ayaa hadda uun bilaabmay,” ayay ku tiri Changi Airport Group warbixinteeda sanadlaha ah.

“Mustaqbalku wuxuu umuuqdaa mid aad u xun iyadoo xaaladda aysan muujinaynin hoos u dhac.”

Tani waxa ay ka dhigin tahay in inta badan hoos u dhaca ba’an oo ku yimid duullimaadka tan iyo markii cudurku billowday bishii Janaayo.

Laakiin saameynta cudurkan ayaa tirtiray guulihii hore ee la gaaray 2019, Faa’iidooyinkuna waxa ay hoos u dhaceen 36% .
Sanadkii 2020 Changi waxaa loo doortay garoonka ugu wanaagsan dunida markii sideedaad oo isku xigta, sida ay ku qiimeeyeen falanqeeyeyaal fadhigoodu yahay UK ee Skytrax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here