Mareykanka oo Xoojinaya Sharciga Kala Fogaanshaha Bulshada ee ka hortagga faafidda covid-19

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Daraasad ay samaysay Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykan ayaa tilmaamaysa in Mareykanku uu sii wadayo adeegsiga sharciga mamnuucaya isu dhowaan-shaha bulshada isla markaana uu sii shaqayn doono ilaa inta laga gaarayo sanadka 2022, iyadoo ujeedaduna tahay xakameynta faafitaanka Viruska Corona oo si xoog leh u saameeyey dalka Maraykanka.

Sharciga kala fogaanshaha dadka ayaa laga maarmi doonaa haddii ay sii xoogaysatto awoodda Maraykanku u leeyahay kahor tagga Crona Virus ama la helo daawo ama tallaal looga  hortagi karo cudurkaas.

Jaamacadda Harvard waxay tusaale usoo qaadatay tallaabooyinka ay qaateen dalalka South Korea iyo Singapore, iyagoo si adag u hirgeliyay kala fogaanshaha bulshada iyo in la xayiro dhamaan goobaha la isugu yimaado, waxayna Jaamacaddu tilmaantay in Maraykanku uu u baahan yahay inuu sii adkeeyo ku dhaqanka tallaabooyinkaas oo kale.

Daraasada Jaamacadda Harvad ee Maraykanka waxaa sidoo kale lagu tilmaamay in saamaynta Crona Virus uu u gaystay dalka Maraykanka iyo guud ahaan caalamka kale ay u badan tahay inay cawaaqib xumo dhaqaale oo caalamka wada gaarta ay ka dhalan karto, haddii aan si adag loola dagaalamin oo lasoo afjarin Crona Virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here