Marco Reus oo si cad kaga hadlay wararka la xiriirinaya Jadon Sancho inuu ku biirayo Manchester United

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee Marco Reus ayaa ka codsaday ayaa ka codsaday saaxiibkiis Jadon Sancho inuusan ka tagin Borussia, kaddib dhamaadka xilli ciyaareedka.

Jadon Sancho ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda reer England ee Manchester United suuqa xagaaga ee soo socda, kaddib markii uu dhaliyay 14 gool, halka sidoo kale uu caawiyay 15 gool kale, horyaalka Jarmalka xilli ciyaareedkan.

Marco Reus ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Bild” ee dalka Germany wuxuu ku sheegay:

“Sancho waa xiddig aad u fiican, xaqiiqdii waxaa wada xiiseynaya kooxo badan, tani ayaa ah xaqiiqada jirta, wuxuu haatan ku ciyaaraa qaab ciyaareed ka sarreeya xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna qiimo weyn ku yeelan doonaa gaarista himilooyinkeena.”

“Waxaan kula talinayaa inuu sii joogo Dortmund sanad kale ama laga yaabee labo sano, aragtideyda, ma jirto meel ugu fiican isaga xilligan, kaddib wuxuu qaadi karaa talaabo weyn isagoo ah ciyaaryahan dhameystiran, kaddib markii uu inbadan halkan horumar ku sameeyay”.

Intaas kaddib Marco Reus ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xiriirinaya Jadon Sancho kooxda kubadda cagta ee Manchester United, wuxuuna yiri:

“Waxaa muhiim ah inuu boos ka helo kooxda cusub, waa arrin aanu u sahlaneyn xilli kasta xiddig 20 jir ah, illaa heerkee ayaad u malaynaysaa inuu Sancho xiiso ugu imaanayo kooxaha waa weyn ee Yurub, waa haddii uu qaato sanad, labo sano ama saddex sano kale, si uu u sameeyo horumar badan”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here