Manchester United oo xiddig sare ka dooneysa horyaalka Talyaaniga

0
394

Baydhabo(Radio Arlaadi)- kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa bar-tilmaameedsanaya u dhaqaaqista garabka kooxda Fiorentina Federico Chiesa, sida ay sheegayaan wararka.

22-sano jirkan ayaa wacdaro ka dhigaya xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 7 gool shanna caawiye ka noqday 25 kulan oo uu u saftay Fiorentina.

Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu xoojiyo kooxda Man United xilli ciyaaredka soo adan.

Sida laga soo xigtay “MailOnline” Solskjaer wuxuu u diray shaqsi u soo indha indheeya waana, Simon Wells  wuxuu soo daawaday Chiesa kulankii Fiorentina ay barbaro 1-1 ah la galeen AC Milan sabtidii hore.

Waxaa xusid mudan in xiddigan uu haatan baranayo luuqada English-ka.

Chiesa  oo 17 kulan ka soo muuqday xulkiisa Talyaaniga ayaa sidoo kale waxaa xiiseyneysa kooxda kubadda cagta Juventus.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here