Manchester United oo ku soo biirtay liiska kooxaha xiiseynaya adeega Kylian Mbappé

0
898

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa lagu sii dhawaanayaa sanadihii Kylian Mbappé uu soo gaba gaboobmi lahaa heshiiskiisa kooxda Paris Saint-Germain, isagoo dalabyo dhowr ah uu ka helayo kooxaha waa weyn ee Yurub waasoo doonaya inay lasoo saxiixdaan.

Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska “The Sun” ee wadanka Ingiriiska Man United ayaa ka mid ah afar kooxood oo dalab u dirtay da’ayarka reer France, kaasoo qandaraaskiisa PSG uu dhacayo xagaaga 2021.

Warbixintan ayaa lagu xusay in Paris Saint-Germain ay ka heshay dalabyo ku aadan Kylian Mbappé kooxaha kala ah Real Madrid, Liverpool Manchester United iyo Barcelona.

Laakiin warbixintan ayaa sii xaqiijisay in maamulka sare ee kooxda Paris Saint-Germain ay doonayaan in qandaraas cusub ayka saxiixaan xiddigoodan da’ada yar si uu mudo dheer u sii joogo garoonka Parc des Princes.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here