Manchester City oo laga ganaaxay tartamada Yurub

0
262

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester City ayaa laga mamnuucay tartamada kooxaha Yurub labada xilli-ciyaareed ee soo aaddan, kaddib markii lagu helay iney jabisay hannaanka ciyaar-wanaagga ee sharciga maaliyadda UEFA.

Kooxda difaacaneysa Premier League-ga ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 30 milyan oo yuuro. Go’aankan ayaa u furan racfaan iyadoo loo marayo maxkamadda garsoorka ciyaaraha.

Kooxda Manchester City oo jawaab ka bixisay ayaa sheegatay in ay ka xuntahay balse aysan layaabaneyn go’aanka lagu dhibaateynayo kooxda, racfaanna ay ka qaadan doonto.

Rugta madaxabannaan ee xakameynta maaliyadda isboortiga ayaa sheegtay in Man City ay jebisay sharciyo iyadoo ka badneyd dakhliga loogu talagalay xayeysiimaha sidoo kale na UEFA loo gubiyay xadgudubyo kale intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016-kii.

Sidoo kale rugta ayaa sheegtay in kooxdu ay ku guul-darreysatay in la iska kaashado baaritaanka.

Waxaa kale oo la soo weriyay in City ay wajihi karto in laga jaro dhibcaha horyaalka maxaa yeelay xeerarka hannaanka maaliyadeed ee ciyaar-wanaagga ayaa lamid ah sida xeerarka UEFA.

Ganaaxan ayaa dhabar jab ku ah kooxda Manchester City iyo macallin Pep Guardiola oo diiradda saarayay inuu koobkan meel sare ka gaaro. Macallin Pep ayaa xusay todobaadkii hore in haddii u gudbi waayo wareegga xiga ee ay kula ballansayihiin kooxda Real Madrid inay suurtogal tahay in laga ceyriyo shaqada.

Macallinka ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaska uu kula joogo kooxda.

Kooxda Man city ayaa sidoo kale la kulmi karta inay ka tagaan ciyaaryahanno muhiim u ah labada sano ee soo socoto ama kasban weydo ciyaaryahanno cusub oo tayo leh maadaama aysan ka qeyb gali doonin koobka kooxaha Yurub labada xilli-ciyaareed ee soo socda.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here