Man United oo go’aansatay lacagaha ugu dambeyn ay ku qarash-gareynayaan saxiixa Saul Niguez

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay diidday qiimaha ay Atletico Madrid dooneyso inay ku iibiso xiddiggeeda Saul Niguez.

Majaladda AS ee ka soo baxda Spain ayaa qoreysa in Man United ay doonayso in Saul ay beddel kaga dhigto Paul Pogba oo la rajeynayo inuu isaga hayaamo Old Trafford, waxaana kooxda Ingiriiska ah ay laacibkan u aragtaa inuu yahay beddelka ku haboon ee Pogba.

Si kastaba ha ahaatee, saxiixa Saul waxaa ku xiran lacag aad u xooggan oo ah 132 milyan oo gini, waana lacagta heshiiskiisa lagu jabin karo.

Waxaa xusid mudan in kubbad sameeya Isbaanish-ka ah uu ku jiro sanadkii saddexaad ee qandaraaskiisa sagaalka sano ah ee Atletico Madrid.

Man Utd confident about landing £135m Atletico midfielder Saul Niguez

Yeelkeede, Man United ayaa doonaysa in saxiixa 25-sano jirkan ay ku bixiyaan kaliya 70 milyan oo gini, sida laga soo xiganayo wararka laga helayo dalka Spain.

Jariiradda AS ayaa sidoo kale warrinaysa in Saul uu kula jiro kooxda Madrid ka dhisan wadahadal lagu kordhinayo qandaraaskiisa, waxaana koox walba ay hadda eegi doontaa wax walba oo ka soo cusboonaada wada hadallada u dhexeeya laacibkan iyo kooxdiisa Atletico.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here