Man City iyo Chelsea oo kula tartamaya kooxda Liverpool xiddig ka ciyaara La Liga

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada ka soo baxa gudaha dalka England tartanka adag ayaa u dhexeeya qaar ka mid ah kooxah waaweyn Engaland ee ku saabsan adeega xiddiga reer Nigeria iyo naadiga Villarreal ee Samuel Chukwueze.

Liverpool ayaa 30 milyan oo ginni ku dalbatay suuqa bishii Janaayo ee la soo dhaafay adeega 20 jirkan, laakiin Reds ma aysan soo gudbin dalab rasmi ah waqtigaas, waxayna kaliya kala soo saxiixdeen Takumi Minamino kooxda Red Bull Salzburg.

Wargeyska caanka ah “Daily Mail” ee dalka England ayaa daabacay in kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Liverpool ay ku dagaallamayaan sidii ay ku heli lahaayeen adeega xiddiga Villarreal ee Samuel Chukwueze oo ku qiimeysan qiyaastii 60 milyan ginni.

Image result for Samuel Chukwueze, to Man City, Chelsea and Liverpool

Samuel Chukwueze ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah da’ayarta ugu caansan ee dhawaan ka soo muuqday Horyaalka La Liga ee dalka Spain isla markaana leh xawaare iyo xirfado farsamo oo soo jiitay indhaha kooxo badan oo waa weyn oo Yurub ah.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxaha Manchester City iyo Liverpool ay xiiseynayeen inay la soo saxiixdaan xiddigan tan iyo suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, balse Chelsea ayaa kula soo biirtay loolanka xilli ciyaareedkan.

Waxaa xusid mudan in Samuel Chukwueze uu ka ciyaari karo garabka bidix iyo midig ee weerarka ama uu ka dheeli karo booska ka dambeeya weerarka, taasoo ka dhigeysa heshiis guul u noqon kara koox kasta ee u dhaqaaqi doonta soo xero galintiisa.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here