Magaalada Baydhabo oo lagu xusey maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

0
416

21-ka Novembar waa maalin u gooniya Macalimiinta Soomaaliyeed waxaana maanta oo kale dowladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre dalka ka dhici jiray munaasabado waa weyn oo lagu weynaynayo ahmiyadda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed, oo maanta sidii hore aan qiimo u lahayn, taasoo sababtay bur burka iyo fowdada dalku uu madaxa la galay.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda uu macalinku leeyahay.

Baydhabo oo ah xaruunta gobalka baay  waxaa lagu qabtaya munaasabado lagu weynaynayo maalintan qiimaha u leh shacabka Soomaaliyeed maadaama macalinku yahay midka qof walba oo wax bartay soo tarbiyeeyay.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galeen macalamiinta degmada baydhabo, maamuliyaalka iskuulada, waaladiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada koonfur galbeed oo ugu horeeyey Agaasimaha Guud ee wasaarada.

Inta ay socotay munaasabada Macalinka Soomaaliyeed ayaa waxey koxda iftin ee wasaarada waxbarashada koonfur galbeed ay ku soo bandhigeen heeso ka turjumeya qiimaha uu leeyahya macalinka.

Qaar  ka mid ah dadkii ka hadlay goobta  marna soo noqday Macalimiin ayaa inta badan ka sheekeeyey qiimaha ay leedahay munaasabadan  iyo doorka macalinka bulshada dhaxdeeda ku leeyahay. Waxay sheegayaan  in maanta ay tahay maalin aad u qiimo badan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u xusaan sidii hore si aan ka yareen.

Ugu dambeyntii ayaa Munaasabada soo xiray oo goobtana ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Fadal macalin cabdullahi mursal

Munaasabadan tan la mid ah ayaa waxaa sidoo kale lagu qabtay degmooyinka qaar ee koonfur galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here