Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Bangiga Aduunka

0
477

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo ku sugan Magalada New York ee dalka Mareykanka ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay Madaxda Bangiga Aduunka.

Xubnaha uu Madaxweynaha la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass,waxaana si gaar ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo u siiyay warbixin ku saabsan qaabka uu Bangigu ula dhacsanyahay hanaanka Maaliyadeed ee Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in kulanka ay sidoo kale kamid ahaayeen Agaasimaha guud ee IMF ee hada xilka ka sii dagaya David Liptoniyo Kristalina Georgiev oo iyaduna ah Agaasimaha cusub ee dhawaan shaqada la wareegi doonta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo   oo weli ku sugan Magalada New York ayaa shir doceedyo kala duwan waxaa uu la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb-galeysa Shirka 74aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here