Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo ka hadleen soo xulida Xildhibaanada KGS.

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kulankan  oo ay isugu yimaadeen Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, gudoomiyaha golaha wakiilada koonfur galbeed iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa shir gudoomineyey Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen.

Kulankan oo madaxweynaha la yeeshtay odeyaasha dhaqanka ayaa looga hadlay soo xulida xildhibaanada labaad ee baarlamanka koonfur galbeed iyo dardargelinta howsha ku socota soo xulida.

Inta uu socday kulankaasi ayaa waxaa warbixino laga dhageystay odeyaasha dhaqanka halka ay wax u mareyaan iyo sida ay ku wadaan arimahaasi oo dhawaan laga wado in ay ka dhacdo magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay, waxeyna odeyaasha sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u wadaan sidii dowlad gobaleedka ay u yeelan laheyd xildhibaanada labaad ee baarlamanka.

Afayeenka Malaaqyada koonfur galbeed Malaaq Deerow yacquub oo warbaahinta la hadlay ayaa faafaahin ka bixyey shirka inta uu socday waxyaabaha la isla meel dhigay.

Ma ahan kulankii ugu horeeyey ay wada yeeshaan madaxweynaha koonfur galbeed iyo odeyaasha dhaqanka oo laga sugeya in ay soo xulaan xildhibaanadii matali lahaa bulsha weynta seddaxda gobal ee koonfur galbeed soomaaliya.

Radio Arlaadi:-Abdirahman Yusuf Hassan Soori

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here