Madaxweynaha KG oo Xariga ka Jaray Xafiiska Cusub ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

0
262

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Md, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Munaasabad ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee XFS, Xubna ka tirsan Wasiirada Dowlad Goboleedka K/Galbeed, Agaasimaha Laanta 3aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, K/xigeenka Agaasimaha Waaxda Howlaha ee HSJ iyo shacabka Degmada Diinsoor.

Madaxweynaha oo booqday qeybaha uu ka koobanyahay Xafiiska bixinta Baasaboorka ee Degmada Diinsoor ayaa bogaadiyay sida ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uga jawaabtay baahida Shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan Degmada Diinsoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here