Madaxweynaha KG oo Kulan Looga Hadlayay Arimaha So Xulista Barlamanka 2aad KG la Qaatay Odeyaasha Dhaqanka KG

0
225

Baydhabo(Radio Arlaadi)Wuxuu ahaa kulan todobaadle ah oo ay wada qaadaneyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Gudoonka Baarlamanka Koonfur galbeed oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Shiikhuna Maye, labadiisa ku xigeen iyo Odeyaasha Dhaqanka.

Kulankan inta uu socday ayaa Madaxeynaha ugu Warbixyay Mashaariicdii kala duwanaa ee laga bilaaway qaar ka mid ah degmooyinka koonfur galbeed Sida Degmada Diinsoor oo goobo badan lagu dhagax dhigay kadib Markii uu madaxweynaha safar shaqo ku tagay isagoona sidoo kale ka qeyb galay caleema saarkii gudoomiyaha Cusub ee Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Dhanka kale Odeyaasha ayaa iyagana laga dhageystay halka ay wax u mareyaan soo xulista Xildhibaanada labaad ee golaha wakiilada Koonfur galbeed, Waxaana kulanka markuu dhamaaday Warbaahinta la hadlay Afayeenka Odeyaasha dhaqanka Koonfur galbeed Malaaq Deerow Yacquub.

Halkan Hoose ka dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here