Madaxweynaha KGS oo Dhagax Dhigay Maktabkii Ugu Horeyey Laga Dhiso Gobolada Koonfur Galbeed

0
375

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Dhagax Dhigay Maktabkii Ugu Horeyey Laga Dhiso Gobolada Koonfur Galbeed, waxaana xaruunta lagu dhagax dhigaayey maktabadaasi goob jog ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed iyo ururada bulshada.

Dhagax dhiga maktabada buugaagta baydhabo kadib ayaa waxaa qudbado goobta ka jeediyeen qaar ka mid ah masuuliyiintii ka soo qeyb gashay, waxaana madaxweynaha ugu dambeyntii sheegay in dhismaheeda sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaawi doona ayna ka faaideysan doonaan bulsha weynta ku nool seddaxda gobal ee koonfur galbeed baay, bakool iyo shabeelada hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here