Maamulka Premier League oo ka arrinsanaya in xilli ciyaareedka la dhammeeyo 30-ka bisha June

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Warar kala duwan oo ka soo baxaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in maamulka Premier League ay Jimcaha isugu imaan doonaan kulan ay kaga doodayaan in xilli ciyaareedka la dhammeystiro ka hor 30-ka bisha June, waxaana ay ka welwelsan yihiin heshiisyada ay ciyaartoyda kula jiraan kooxahooda.

Guud ahaan kubadda cagta rasmiga ah ee dalka Ingiriiska ayaa la joojiyay kaddib markii uu xanuunka coronavirus si daran ugu faafay dalkaas, balse maamulka Premier League ayaa doonaya in horyaalka la iska dhammeystiro ka hor curashada bisha July.

Horraan FIFA ayaa shaacisay in xeerka kala iibsiga wax laga baddali doono si ay kooxaha iyo ciyaartoyda xal wanaagsan ugu helaan heshiisyada, saxiixyada iyo amaahda.

Balse Sky Sport ayaa warineysa in maalinta Jimcaha uu jiro kulan looga doodayo xilliga la dhammeyn doono horyaalka, iyagoo kooxo dhowr ah ay walaac ka muujinayaan in horyaalka uu dhammaan waayo.

Wargeyska ayaase intaas ku daray inaan la filan doonin in go’aan rasmi ah ay gaaraan maamulka Premier League ee Jimcaha ballansan, xaaladdana ay sideeda iska ahaan doonto, maaddaama horyaalka iyo ciyaaraha kaleba dib loo ciyaari doono kaliya marka ay dowladda Ingiriiska soo jeediso in la dib loo bilaabi karo.

Dhanka kale waxaa jira aragtiyo dhowr ah oo ka mideysan in horyaalka loo dhammeystiri karo in maalintii dhowr kulan la ciyaaro, iyadoo hal madal lagu qaban doono dhammaan ciyaaraha.

Isku soo wada duuboo, waxaa harsan 92 ciyaarood oo horyaalka ah oo aan wali la ciyaarin, waxaana ay u muuqataa in xitaa haddii ay bandowga Ingiriiska la qaado kulamada lagu ciyaari doono garoommada oo faaruq ah.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here