Kooxda Arsenal oo aad ugu dhow inay dhammaystiro saxiixa xiddig ka tirsan PSG

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhowdahay inay dhammaystirto saxiixa laacibka garabka daafaca bidix uga ciyaara naadiga PSG ee Kurzawa.

Gunners ayaa la soo sheegayaa in saxiixeeda ugu horreeya ee xagaaga uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Layvin Kurzawa, kaasoo hadda ku dhow inuu u dhaqaaqo garoonka Emirates sida warbixinta lagu sheegay.

Daafaca bidix ee Paris Saint-Germain ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa Arsenal, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro marka uu dhammaado qandaraaskiisa kooxda haysata horyaalnimada Faransiiska dhammaadka xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Todofichajes 27-sano jirkaan ayaa qalinka ugu duugi doona Arsenal heshiis shan sanadood ah, waxaana sidoo kale la sheegayaa ku dhawaaqista suuqa kala iibsiga ee heshiiskan uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxo badan oo reer Yurub ah ayaa ugaarsanayay Kurzawa, iyadoo Barcelona ay ka mid tahay kuwa xiiseynaya inay ku xoojiyaan xulashodooda daafaca.

Juventus ayaa sidoo kale ku jirtay tartanka loogu jiray saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka France bishii Janaayo waxayna u muuqatay inay heshiis la gaareen ka hor inta uusan heshiiskaas burburin.

Kurzawa ayaa kaliya u soo ciyaaray kooxda PSG xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu u saftay 23 kulan, inkastoo Juan Bernat uu yahay dooqa koowaad.

Intii lagu jiray shantii sano ee uu joogay Paris wuxuu ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato saddex horyaal.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here