Maamulka KG oo Haweenka u balan qaaday inuu siin doono qoondada Barlamanka ay ku leeyihiin.

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor ayaa waxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dalbatay in haweenka laga qeyb galiyo Siyaasada gaar ahaan in la siiyo qoondada ay ku leeyihiin Baarlamanka taasi oo xulisteeda ka socota Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa balan qaaday in uu fulin doono dalabka ee haweenka Koonfur galbeedĀ  ku aadan helida qoondada haweenka ee Baarlamanka labaad,isagoona xusay in ay muhiim tahay ka geybgalkooda siyaasada dalka.

Warkan waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here