Maamul Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Buur-Hakaba.

0
424

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dib-u heshisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu maamul Cusub u magacaabay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Buurhakaba loogu magacaabay in uu noqdo Cabdi Maxamed Axmed,isla markaana waxaa Guddoomiye kuxigeenka degmadaas laga dhigay Yare Nuur Cabdi.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada,Maaliyada,Arrimaha Bulshada iyo amniga iyo siyaasada degmada  Buurhakaba ee Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhamaan Hay’addaha dowliga iyo kuwa gargaarka ayaa waxaa la faray inay la shaqeyaan Mas’uuliyiinta Cusub ee degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here