Maalintii labaad oo Dadyowga Islaamka siweyn Maanta u Ciidaya

0
524

Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 11-ka Bisha Carafo Sanadka 1440-ka, kuna beegan 12 Agoosto 2019-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan  Dunida Islaamka looga dabaaldegayaa Maalinta labaad ee Ciidul Adxaa.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciiday, iyadoo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay u ciideen maalintii Koowaad ee shalay aheyd.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya ayaa xilli hore oo Saakay ah laga maqlay Rakbiirta  markale Masaajidyada ku yaalla,waxaana laga dareemayaa farxada ciida dhamaan degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Shalay oo aheyd Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa goobaha lagu Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Is-bahaysiga Islaamka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab,miyada oo Dukashada ay kala qeyb galeen madax uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale goobaha sida weyn Maalintii labaad  looga ciidayo ayaa  waxaa ka mid ah, degaannada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo deegaanada Soomaaliland.

Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay waxaa uu maanta jawigeeda la mid yahay kii shalay oo ciida kow aheyd, dadka deegaanka ayaa ah kuwa is booqaneya oo isugu hambaliyeyneya munaasabada Ciidul Adxa oo maalintii 2aad gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here