Liverpool oo heshiis la gashay da’yar waqti ku soo qaatay Manchester City oo lagu magacaabo Joe Hard.

0
308

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshiis la gashay ciyaartoygii labaad bishan January gudaheeda, waxaana ay markan soo qaadatay da’yar waqti ku soo qaatay Manchester City oo lagu magacaabo Joe Hard.

Liverpool oo hore usoo iibsaday laacibka reer Japan ee Takumi Minamino oo kulankiisii ugu horreeyey u saftay xalay, ayaa maanta dhamaystiray saxeexa da’yarka Joe Hard oo waqtigan ka tirsanaa kooxda Brentford ee waddanka Ingiriiska, kaas buuxin doona booska Rhian Brewster oo la filayo inuu amaah ugu wareego Swansea Citiy.

Joe Hard oo ay da’diisu tahay 21 sano jir, waxa uu 80 kulan oo uu u ciyaaray Brentford B u dhaliyey 40 gool, waxaana lagu tilmaamaa xiddigaha da’da yar ee mustaqbalka ciyaareed leh.

Weeraryahankan yar ayaa kasoo baxay kulliyadda Manchester City, waxase uu ka tegay sannadkii 2017 oo uu ku biiray Brentford.

Sannadkii 2017 waxa lasoo geliyey tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaar ay iskaga hor yimaaddeen ciyaaryahannada ay da’doodu ka hoosayso 23 jirka ee Manchester City iyo Liverpool, waxaana

Tababaraha kooxda heerka labaad ee Brentford, Neil MacFarlane ayaa xaqiijiyey in Joe Hard uu ku biiray Liverpool, waxaana uu tilmaamay meelaha uu ku xooggan yahay laacibkani iyo sida uu ku nnoqon doono Anfield.

“Waxa lasoo gaadhay waqtigii dhamaadka ee kooxdan marka lga eego istaraatiijiyadda, waxaanu tegayaa kooxda ballaadhan ee Liverpool oo uu kusii fiicnaan doono. Kooxdu (Liverpool) waqtigan hawada ayay maraysaa, waa horyaalka Yurub, iyo Premier League oo ay ku dhow yihiin, markaa Joe waxay u fiican tahay in uu deegaankaas qayb ka ahaado, waxaanu tegayaa deegaaan si fiican u diyaariyey.” Ayuu yidhi nEIL MacFarlane.

Qiimaha ay Liverpool ku iibsatay Joe Hard ayaan la shaacinin, hase yeeshee waxa uu noqonayaa ciyaartoygii labaad ee gala diiwaanka laacibiinta Liverpool bishan January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here