kullan looga hadlaayey cudurada ku dhaca xoolaha oo Magaalada Baydhabo Lagu qabtey.

0
328

Baydhabo (Radio Arlaadi)- kulankan loo qabtay bulushada ayaa loogu  wacyegelineyey  cudurada ku dhaca xoolaha, waxaana soo qaban qaabisay Wasaradda xanaanda xoolaha dowlad Goboleedka kofur galbeed somaliya

Sidoo kale waxa  kulankaan logu hadlay nocyada  bulshada ugu hortagi lahaayeen cudurada dilaaga ah intooda  badan oo ku dhaca xoolaha.

kulankan waxa ka soo qeeb galey bulshada xoola dhaqatada ah oo ka kala yimid  tuulooyinka iyo deegaanada hoose imaanaya magaalada baydhabo, Iyo weliba  dhaqaatiir aqoonyahano iyo wasiir ku xigeenka xanaanada  xoolaha dowlad goboleedka kufur galbeed somaliya .

Dhakhatiirta iyo agoonyaanada ayaa qeyb weyn ka qaateen wacyigelinta bulushada .

Ugu horeyntii ayaa  kulanka ka Hadley isagoona sharaxaad weyn ka bixyey ujeedada ugu weyn ee kulanka loo qabtay  Professor cabadiqadir nuur abuu.

Dhanka kale Aagaasimaha  guud wsaaradda  xanaanada iyo xoolaha dowlada  Gobaleedka koonfur galbeed  cumar maxamed cabadilaahi  ayaa ka hadlay qorshaha wasaarda ee wacyiga xoolaha, wuxuuna ugu baaqay in ay qeybaha kale ee bulshada gaarsiiyaan.

Radio Arlaadi:- Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here