Kooxda Tottenham oo London uga soo adkaatay Man City

0
294

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa Magaalada London uga soo badissay Man City oo marti u ahayd, waxaana ay uga soo adkaatay 2-0.

Kulankan oo Man City ay dardar ku bilaabatay, intii lagu guda jiray qeybtii labaad waxa ay iska lumiyeen gool ku laad ama rigoore, iyadoo waliba kaarka casna laga qaatay.

Waxaa ciyaartan oo weerar iyo weerar celis ahayd lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad 40’daqiiqo waxaa goolhayaha Spurs ee Hugo Lloris uu gool ku laad ka badbaadiyey laacibka Man City ee Ilkay Gundogan, taasoo farxad u ahayd macallin Jose Mourinho iyo wiilashiisa.

20’daqiiqo markii ay rigoorada iska khasaariyeen, Man City musiibo kale ayaa soo wajahday waxaana 60’daqiiqo kaarka cas ka qaatay Olexandr Zinchenko, kaddib markii uu guddoomay kaarkiisii labaad ee digniinta.

Intaas kaddib Tottenham ayaa la timid goolka koowaad ee ciyaarta 63’daqiiqo, waxaana u dhaliyey saxiixooda cusub ee Steven Bergwijn, kaddib markii isagoo ku jira xerada ganaax uu xabad ku xakameeyey kubbad karoos ahayd oo uu ka helay Lucas Moura kaddiba uu shabaqa Man City dul dhigay, Spurs ayaana kulanka ku hoggaamisay 1-0.

Markale Tottenham ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay 71’daqiiqo, waxaana goolka labaad ugu shubay Son Heung-min, kaddib caawin uu ka helay Tanguy Ndombele, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-0 looga gacan sarreeyey Man City.

Kulanka Premier League qeybta ka ahaa ayaana ugu dambeyn ku soo dhammaaday 2-0 looga adkaaday kooxda uu hoggaamiyo Macallin Pep Guardiola ee Man City, taasoo farxad u ahayd Kooxda Liverpool iyo Taageerayaasheeda oo hadda ku sii dhowaanaya hanashada horyaalka Ingiriiska.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here