Kooxda Real Madrid oo ku soo biirtay loollanka loogu jiro difaaca loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga

0
296

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa u diyaar garowday inay dagaal dhanka suuqa ah la gasho kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Bayern Munich si ay uga dulqaaddo xagaagan saxiixda difaaca kooxda Red Bull Leipzig ee Dayot Upamecano.

Warsidaha caanka ah ee AS oo ka soo baxa Spain ayaa sheegay in Los Blancos ay noqotay kooxdii ugu dambeysay ee ka fikirta inay bixiso lacagta heshiiska xiddiggan lagu jabin karo oo ah 55 milyan oo gini.

Si kastaba ha ahaatee, laacibka Faransiiska ah ayaa diyaariyay warqad codsi ah oo uu ku dalbanayo in la iibiyo si uu kooxda kaga tago haddii ay dalabaadka u imaanaya ay gaari waayaan, halkii ay rabtay kooxda Leipzig.

21-sano jirkan difaaca dhexe ka ciyaara ayaa kooxdiisa ka caawiyay inay shabaqa difaacdaan sagaal jeer kaddib 29 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan, taasoo saldhig u ah in kooxaha ugu awoodda badan Yurub uu soo jiito.

Upamecano ayaa horay caddeeyay inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa marka uu dhammaado xilli ciyaareedkanna uu go’aansan doono tallaabadiisa xigta, isagoo carrabka ku dhuftay inuu la tashan doono wakiilkiisa iyo qoyskiisa.

Arsenal ayaa si aad ah loola xiriiriyay horraantii xilli ciyaareedkan, hase ahaatee lacagaha heshiiskiisa xilligaas lagu jabin karay oo ahayd 72 milyan oo gini ayay awoodi waysay Gunners.

Heshiiskiisa waxaa ku xusan in qiimaha lagu jebin karo qandaraaska uu hoos u dhici doono 17 milyan oo gini xilli ciyaareed walba, taasoo dareen gelisay kooxo waa weyn oo doonaya suuqa kala iibsiga ee soo aaddan inay ka faa’iideystaan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here