Kooxda Real Madrid oo ka qoomameynaysa inay joojiso bixitaankii Gareth Bale… (Kooxdee ku biiri lahaa?)

0
312

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay tirinayso guuldaradeeda kaddib markii ay horjoogsadeen Gareth Bale bixitaankiisii garoonka Bernabeu.

Gareth Bale ayaa la filayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda ka ciyaarta horyaalka Shiinaha ee Chinese Super League, taasoo magaceeda la yiraahdo Jiangsu Suning sanadkii hore, laakiin Los Blancos ayaa la sheegayaa inay horjoogsatay u dhaqaaqistiisa daqiiqaddii ugu dambeysay.

Ciyaaryahankii hore ee Naadiga Tottenham Hotspur ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo kooxda uu hoggaamiyo Macallin Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan, isagoo saftay kaliya 14 kulan oo  horyaalka La Liga ah.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Real ayaa isha ku haysa inay iska iibiso xiddiga reer Wales xagaagaan, laakiin fursad kasta oo uu ugu dhaqaaqo Shiinaha looma cuskan doono xeerarka cusub ee dhaqaalaha.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xiriirka kubada cagta Shiinaha ay raadinayaan inay horumariyaan ciyaartoyda da’da yar, taasoo la micno ah in Los Blancos lagu qasbi karto inay bixiso mushahar aad u badan oo ah mushaharka Bale ee 600 kun gini isbuucii haddii uu ku sii nagaado garoonka Bernabeu.

Xiddigan garabka ka ciyaara ayaa diiwaan galiyay 105 gool 249 kulan uu u saftay kooxda uu haatan hoggaamiyo macallin Zidane tan iyo markii uu kaga soo biiray Naadiga Spurs sanadkii 2013-kii.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here