Kooxda Paris Saint-Germain oo Manchester United u soo bandhigay labo ciyaaryahan si ay uga hesho Paul Pogba

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtayManchester United labada xiddig ee kala ah Angel Di Maria iyo Julian Draxler inay qeyb ka yihiin dalabka kooxda heysata horyaalka Faransiiska ay ku doonayso inay kula wareegto Paul Pogba.

Xiddiga kooxda kubadda cagta Man United ee Paul Pogba ayaa weli la la xiriirinayaa inuu ka tagayo naadiga ku dheesha garoonka Old Trafford ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxaha kala ah Real Madrid, Juventus iyo Inter Milan ayaa dhammaantood muddooyinkii ugu dambeeyay lagu qiimeeyaa inay xiiseynayaan, laakiin PSG ayaa u muuqata inay sidoo kale baadi goobeyso xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ee sandkii 2018.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France, kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ayaa Man United siisay fursad ay kula soo saxiixato labada xiddig ee weerarka ka ciyaara Di Maria iyo Draxler inay qeyb ka yihiin heeshiiska ciyaaryahan Pogba.

Di Maria ayaa horey ugu soo dheelay Red Devils intii lagu jiray ololihii 2014-15 laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu sumcaddiisa ku muujiyo garoonka Old Trafford, wuxuuna u dhaqaaqay PSG kaliya 12 bilood kaddib markii uu ka yimid Real Madrid.

Dhanka kale Draxler wuxuu arki doonaa qandaraaskiisa kooxda Thomas Tuchel oo dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxaana xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka dhowaan la la xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal.

Qandaraaska haatan Pogba ee Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhici doona xagaaga soo aaddan, inkastoo kooxda 20-ka jeer haysata horyaalka Ingiriiska ay haysato fursad ay ku sii dheereysato qandaraaska khadka dhexe ilaa iyo June 2022.

Si kastaba ha noqotee, xiddigan ayaa kooxda kubadda cagta Man United, wuxuu ugu soo biiray naadiga Juventus sanadkii 2016-kii isagoo Red Devils u saftay 99-kulan xilli uu u dhaliyay 24-gool tan iyo markii uu ku soo biiray Man United.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here