Kooxda kubadda cagta Manchester United oo la saxiixatay Weeraryahanka reer Nigeria ee Odion Ighalo.

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda ku ciyaarta Old Trafford ayaa Odion Ighalo waxa ay kula soo wareegeen heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka, iyadoo ka soo qaatay naadiga Shanghai Greenland Shenhua.

Waxa ay doonayaa Man United in weeraryahanka dhexe ee 30-sano jirka ah uu ka caawin doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka dhanka weerarka, maadaama ay kooxdu ka qeyb galayso tartammada Premier League, UEFA Europa League iyo Emirates FA Cup.

Ighalo ayaa xirfaddiisa ciyaareed ee heerka sare ka soo bilaabay Waddankiisa Nigeria waxaana uu u soo ciyaaray kooxaha dalkaas ka dhisan ee Prime iyo Julius Berger, ka hor inta aysan iibsan kooxda reer Norway ee Lyn sanadkii 2007.

Sanad kaddib waxa uu u dhaqaaqay kooxda Udinese ee dalka Talyaaniga, waxaana uu amaah ku qaatay labo jeer Granada, kooxda Cesena ayuu sidoo kale soo maray, waxaana uu ka mid noqday naadiga Watford ee ka dheesha horyaalka Premier League.

Intii uu ku sugnaa garoonka Vicarage Road oo ay ku ciyaarto Hornets, Ighalo waxa uu dhaliyey 40 gool oo ka yimid 100 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Waqtigaas intii lagu guda jiray saddex kulan ayuu ka horyimid Man United, waxaana uu hal gool kaga dhaliyey garoonka Old Trafford, isagoo labo kulan guuldarro la kulmay, halka kulan oo kalena guul ka gaaray.

Noloshaas miro dhalka leh ee uu ku qaatay Watford ayaa ku qancisay kooxda Shiinaha ee Changchun Yatai inay la soo wareegaan sanadkii 2017, iyadoo labo sano kaddib sanadkii 2019-kii xiddiga reer Nigeria uu u wareegay dhinaca Kooxda Shanghai Greenland Shenua.

Tartammada oo dhan heerka kooxaha xirfaddiisa illaa iyo hadda Ighalo waxa uu dhaliyey 131 gool 322 kulan oo uu ciyaaray.

Weeraryahankan ayaa sidoo kale 35 kulan u saftay xulkiisa qaranka Nigeria, waxaana uu u dhaliyey 16 gool, isagoo ku dhammaystay gooldhaliyaha ugu sarreeya koobka Qaramada qaaradda Afrika 2019 ee lagu qabtay Waddanka Masar.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here