Kooxda Juventus oo isku diyaarineysa in dalab cusub ay ka gudbiso Paul Pogba

0
251
Manchester United's French midfielder Paul Pogba reacts during the English Premier League football match between Manchester United and Chelsea at Old Trafford in Manchester, north west England, on April 28, 2019. (Photo by Paul ELLIS / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No video emulation. Social media in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No use in betting publications, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read PAUL ELLIS/AFP/Getty Images)

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada England ka soo baxa, kooxda Juventus ayaa diyaarineysa dalab cusub oo ay kula soo wareegeyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba xagaaga soo aadan.

Waxaa jiray warbixino dhowr ah ee lagu xaqiijiyay in Manchester United ay damacsan tahay inay iska iibiso Pogba xagaaga soo aadan, iyo sidoo kale in ciyaaryahanka uu go’aansaday inuu ka tago garoonka Old Trafford.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England, maamulka kooxda Juventus ayaa lagu wadaa inay u soo bandhigi doonaan Manchester United adeega xiddiga reer Weles ee Aaron Ramsey lagu daray qiimo dhan 50 milyan ginni.

Warar hore ayaa waxay shaaca ka qaadeen in macalinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær uu xiiseynayo inuu la soo saxiixdo Aaron Ramsey si uu ugu xoojisto safka Red Devils.

Wargayska ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ku soo laabashada Juventus ay tahay rabitaanka koowaad ee Pogba suuqa xagaaga ee soo aadan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here