Kooxda Juventus oo iibinaysa mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan & PSG oo durba xiiso u muujisay

0
420

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Paris Saint-Germain ayaa qorsheynaysa in xagaaga ay dalab ka gudbiyaan laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Miralem Pjanic, xilli kooxdiisa Juventus ay doonayso iibintiisa sida wararku ay sheegayaan.

Sida laga soo xiganayo La Gazzetta dello Sport, Juve ayaa ka fikireysa iibinta Pjanic, kaddib markii uu lumiyay booskiisa koowaad kulankii ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay Inter Milan toddobaadkii hore.

Laacibka reer Bosnia oo Bianconeri kaga soo biiray kooxda Roma xagaagii 2016-kii, ayaa xubin muhiim ah ka ahaa garoonka Allianz Stadium sanadihii dambe, hase ahaatee hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa ayaa keentay in Juve ay u qorsheyso inay iibiso.

Image result for Juventus 'willing to sell Pjanic with PSG showing strong transfer interest'

Pjanic ayaa 31 kulan u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A dhammaan tartammada xilli ciyaareedkan, isagoo saddex jeer shabaqa soo taabtay.

Inkastoo 29-sano jirkan uu kula jiro kooxdiisa qandaraas dhici doona 2023-ka, haddana Maurizio Sarri ayaa doonaya inuu ka taqalluso laacibkan xagaaga nagu soo fool leh.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here