Kiiskii ugu horeeyay ee Carona Virus oo laga helay Soomaaliya iyo duulimaadyada Caalamiga oo la joojiyay.

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qofkii ugu horeeyey ee qaba caabuqa Caronavirus laga helay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Qofka laga helay cudurkan ayaa ka mid ah afar ruux oo ka yimid dalka dibadiisa islamarkana maalmihii la soo dhaafayay lagu karantiilayay magaalada Muqdisho.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay qofkan lagu ogaaday inuu qabo.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaadiidka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in la joojiyay duulimaadyada Caalamiga ilaa 15 maalmood

Warbixintan waxaa inoo hayo Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here