kalluun lagu iibsaday ku dhawaad 2 milyan oo doolar.

0
268

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Nin u dhashay dalka Japan, caanna ku ah maqaaxiyo lagu iibiyo hilibka kalluunka ayaa lacag dhan 1.8 milyan oo doolar ku iibsaday kalluun aad u weyn.

Ninkan ayaa kalluunka ka iibsaday bandhigga suug geynta sannadka cusub oo sanadkii ba mar lagu qabto caasimadda Tokyo ee Japan.

Warbaahinta Dowladda Japan ayaa kusoo warrantay in Kiyoshi Kimura oo isugu yeera “boqorka kalluunka” uu maqaaxiyo badan ku leeyahay dalkaas, kalluunka uu iibsaday miisaankiisuna uu dhan yahay 276 kiilo.

Kalluunkan aadka u weyn ayaa la sheegay in laga soo qabtay xeebaha waqooyiga dalka Japan, waxaana Kimura uu sheegay in kalluunka uu yahay qaali, balse uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee sanadkan iibsada kalluunka ugu weyn.

“Haa, kalluunka waa qaali, waxaana doonayaa in macaamiisheena ay sanadkan cunaan kalluun dhadhan leh,” ayuu Kimura u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Kalluunkan oo afka qalaad lagu yiraahdo Bluefin ayaa ahaa kan ugu weyn ee halkaas lo soo iib geeyay, waxaana hey’ad inta badan wax ka qorta noolasha xayawaanaadka oo lagu magacaabo World Wildlife Fund ay sheegtay in uu kalluunkaas noolaan karo muddo dhan 40 sano.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu ninkan lacag aad u badan ku iibsaday kalluun, oo waxay ahayd sanadkii hore, xilligaas oo uu lacag badan ku iibsaday kalluun aad u weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here