Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo deeq lacageed ku bixiyay la dagaallanka caabuqa Coronavirus

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka soo qayb noqday ciyaartoyda, tababareyaasha iyo shaqsiyaadka magaca ku leh kubadda cagta ee hay’adaha caafimaadka iyo Isbitaallada ka caawinaya inay la tacaalaan xanuunka dunida ku faafay ee Coronavirus.

Wargeyska Mundo Deportivo ee ka soo baxa dalka Spain ayaa Warinaya in lacagta uu bixiyay Messi ay gaareyso Hal Milyan oo euro.

Lacagtan ayaa loo kala qeybiyay Isbitaalka Hospital Clínic ee ku yaala magaalada Barcelona iyo xarun caafimaad oo ku taalla dalka Argentina.

Isbitaalka ku yaalla magaalada Barcelona ayaa caddeeyay in lacag iyo taageero ay ka heleen Lionel Messi, waxaana bartooda Twitter-ka ay ku daabaceen qoraal kooban oo u dhignaa: “Leo Messi ayaa deeq soo gaarsiiyay isbitaalka si loola dagaallamo coronavirus.”

Barta baraha bulshada ee isbitaalka ayaa sidoo kale loogu mahad celiyay Kabtanka xulka qaranka Argentina kaddib taageeradii uu u sameeyay.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here