Jilaagii caanka ahaa ee Rishi Kapoor Oo dhintay

0
431

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Jilaaga Bollywood Rishi Kapoor, oo caan ku ahaa kaalintiisa arrimaha jaceylka ee aflaanta, ayaa u dhintay kansar. Wuxuu ahaa 67 sano jir.

Wuxuu qeyb ka ahaa jilaayada boqortooyda Kapoor ee aadka u buux-dhaafiyay shirkadda Bollywood, oo ah laanta aflaanta ee Hindiya.

Jilaagan ayaa si wayn u soo caanbaxay sannadkii 1973-dii xilligaas oo uu jilay filimkii ugu horreeyay ee atoore uu ka ahaa. Wuxuu ahaa mid ku saabsan jaceylka dhalliyarada aan weli gaarin 20-ka sano.

Wixii xilligaa ka dambeeyay wuxuu jilay aflaan jaceyl oo aad u badan oo muddo 20 sano ah uu si joogto ah uga soo muuqanayay. Wuxuu guushaas ku gaaray markii uu si wanaagsan uga soo baxay kaalintiisii jilliinka.

Rishi Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar sannadkii 1970-kii, xilligaas oo aabihii Raj Kapoor uu filim la sameeyay kaas oo lagu magacaabo, Mera Naam Joker.

Dhowr ka mid ah aflaantiisii sannadkii 1980-kii illa 90-maadkii – Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni – waxay noqdeen kuwii ugu sarreeyay ee la iibsaday.

Wuxuu ahaa nin aad ugu wanaagsan dhanka qoob ka cayaarka, aflaantiisana waxaa ku jiray heeso illaa iyo hadda aad caan u ah.

Aflaanta guuleysatay ee Rishi Kapoor waxaa inta badan la jilaysay atariishadii caanka ahayd ee Neetu Singh. Waxay isla jileen filimkii ugu sarreeyay ee dhanka jaceylka ee Bollywood, waxay kalgaceylkaas la aadeen illa bannanka, wayna is guursadeen sannadkii 1980-kii.

Wiilkooda, Ranbir Kapoor, wuxuu sidoo kale yahay jilaan guul ka gaaray dhanka aflaanta Bollywood-ka.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here