Jamie Redknapp oo sheegay xiddiga ugu fiican England

0
457

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddigii hore kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jamie Redknapp isla markaana falaqeeye ka ah shabakada “Sky Sports” ayaa xaqiijiyay in xiddga reer Belguim ee Kevin De Bruyne uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee ka ciyaara England, isla markaana uu farqi weyn u dhexeeyo kuwa ay aadka isugu dhow yihiin.

Hadalka Jamie Redknapp ayaa yimid kaddib markii uu faallo ka bixiyay waxqabadka Kevin De Bruyne intii lagu jiray kulankii ay xalay ku wada ciyaareen kooxaha Man City iyo West Ham horyaalka Premier League.

Laacibka reer Belguim ee Kevin De Bruyne ayaa dhaliyay gool wuxuuna sidoo kale caawiyay goolkii kale uu dhaliyay saaxiibkiis Rodri, xilli ay kooxda Bky Blue ku adkaatay 2-0.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada Jamie Redknapp inta uu ku gudi jiray falaqeynta ciyaartii xalay dhaxmertay kooxaha Man City iyo West Ham, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for van Dijk, Henderson, Mané, De Bruyne

“Marka uu garoonka ku jiro wuxuu ka sarreeyaa qof walba, baasaskiisa xilli kasta waa cajiib, waxay ka gudbayaan daafacyada”.

“Aniga ahaan isagu waa xiddiga sanadka, kuwa la tartamaya ee Virgil van Dijk, Henderson iyo Sadio Mané waa kuwo fiican, laakiin marka loo fiiriyo rikooradiisa, waa kan ugu fiican ee England, wuxuuna farqi weyn ka sarreeyaa kuwa ku soo dhow ee la tartamaya” ayuu yiri Jamie Redknapp.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here