Jamie Carragher oo soo xushay safkiisa Premier League ee xilli ciyaareedkan

0
236

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Horyaalka dalka Ingiriiska ayaa hakad ku jira waxaana illaa hadda aanan hubanti ahayn xilliga saxda ah ee la soo laaban doono, maadaama wali uu cudurka coronavirus ku sii faafaayo dalkaas.

Falanqeeyeyaasha kubadda cagta Ingiriiska ayaa sameynaya sheekooyin ku aaddan xiddigaha ugu fiican xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League laga soo billaw halkii laga soo ambaqaaday illaa iyo hadda meesha uu marayo.

Sidaas darteed, difaacii hore ee kooxda Liverpool, Jamie Carragher ayaa soo xushay safkiisa ugu fiican ka shaqsi ahaan illaa iyo hadda kulamada la ciyaaray.

Safkiisa waxaa ka soo muuqday illaa toddobo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxdiisii hore waxaana uu ku soo daray kaliya afar xiddig oo kooxo kale ka tirsan.

Guud ahaan, kooxaha Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ayuu qadiyay Carragher.

Goolhayaha kooxda Sheffield United ee Dean Henderson ayuu shabaqa usoo xushay xiddiggii hore ee qaranka England, halka sidoo kale Jack Grealish uu ku soo daray khadkiisa dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtan hoose ayaad kaga bogan kartaa guud ahaan safka uu Carragher u soo xushay xiddigaha ugu wanaagsan Premier League kulamada illaa hadda ciyaaray.

Goolhaye: Dean Henderson (Sheffield United)

Difaacyada: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Joe Gomez (Liverpool), Virgil van Dijk (Liverpool), Andrew Robertson (Liverpool)

Khadka dhexe: Kevin De Bruyne (Manchester City), Jordan Henderson (Liverpool), Jack Grealish (Aston Villa)

Weerarka: Mohamed Salah (Liverpool), Sergio Aguero (Manchester City), Sadio Mane (Liverpool)

Xiddigaha kala ah Alexander-Arnold, Van Dijk, Gomez, Robertson, Henderson, Salah iyo Mane ayaa dhammaantood u ciyaara naadiga Liverpool oo horyaalka Ingiriiska qarka u saaran inay gacanta ku dhigaan haddii dib loo billaabo ciyaaristiisa, waxaana uu shaxdan tababare uga dhigay Klopp oo hoggaamiya Reds.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here