Jadon Sancho oo shaaca laga qaaday halka sabab ee uu isaga diidi doono ku biirista Kooxda Man United xagaagan

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diidi doono xagaaga inuu u wareego Kooxda Manchester United haddii aysan u soo bixin Champions League xilli ciyaareedka soo aaddan.

Xiddigan garabka uga ciyaara xulka England ee Sancho ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda Borussia Dortmund xagaagan, kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu dhaliyay 17 gool, isla markaana uu caawiyay 19 gool oo kale.

Man United iyo Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa safka hore kaga jira ee u soo bandhigaya xiddigan ka soo baxay kuliyadda kooxda Manchester City inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League.

Laakiin 20-sano jirkaan ayaa doonaya inuu sii wado ka ciyaarista tartanka Champions League, taasna waxay qeyb ka noqon doontaa dooqa mustaqbalkiisa ciyaareed, sida laga soo xigtay Jariiradda The Sun.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay in ka hor inta uusan faafaha coronavirus kubadda cagta saameyn ku yeelan in Manchester United ay diyaar u ahayd inay Sancho u soo bandhigto mushahar uu isbuucii ku qaadanayo 400,000 oo gini.

Laakiin fayraska dilaaga ah ee loo yaqaan ‘Covid-19’ ayaa sababay shaki wayn.

Kooxaha iyo ciyaartoyda hadda mugdi ayey kaga jirtaa goorta ay awoodi doonaan inay ciyaarta dib u bilaabaan, in xilli ciyaareedkan hadda la dhameystiri doono, marka suuqa kala iibsiga uu furi doono iyo inta ay kooxaha dhaqaale ahaan saameyn ku yeelan doonto arrintan.

Man United iyo Chelsea ayaa labadaba wajahaya sugitaan si ay u ogaadaan bal inay ka ciyaari doonaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda iyo inkale.

Iyada oo xilli ciyaareedkii Premier League haatan la xannibay, Man United ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala sarreynta, waxaana ay saddex dhibcood ka dambeeyaan Chelsea oo ku jirta booska afaraad.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here