Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu dib ugu laabto Kooxdiisii hore

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Cristiano Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu xiiseynayo dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa dhaliyey 450 gool 438 kulan oo uu u ciyaaray Los Blancos, isagoo kula guuleystay labo horyaalka La Liga ah, labo Copa del Rey iyo afar Champions League ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Juventus sanadkii 2018-kii.

35-sano jirkaan ayaa dhaliyey 53 gool 75 kulan oo uu tan iyo markaas u ciyaaray kooxda haysata horyaalka Talyaaniga, waxaana heshiiskiisa uu ku joogo Turin uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo jeedinayaa in Juve lagu qasbi karo inay iska iibiso xagaagan, iyadoo Manchester United iyo Paris Saint-Germain loo maleynayo inay isha ku hayaan horumarrada socda.

Cristiano Ronaldo wants Real Madrid return?

Warsidaha Calciomercato ayaa warinaya in Ronaldo uu u xiisay nolosha Bernabeu, waxaana uu indhaha ku hayaa inuu dib ula midoobo kooxdiisii hore Los Blancos inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Weeraryahankan, kaasoo noqday ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan Real Madrid muddadii uu kooxda joogay, ayaa dhaliyay 25 gool 32 kulan uu ka soo muuqday kooxda Macallin Maurizio Sarri xilli ciyaareedkan.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here