“Inter waxay diyaar u tahay inay la soo saxiixato Lionel Messi” – Fabio Cannavaro

0
333

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Halyeyga kubadda cagta wadanka Talyaaniga ee Fabio Cannavaro ayaa muujiyay sida uu u jecelyahay inuu arko Lionel Messi oo xiran maaliyada koox kale ee cusub.

Fabio Cannavaro ayaa wareysi uu ku bixiyay war sidaha “La Gazzetta dello Sport” ee wadanka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay kulanka la wada sugayo ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Napoli iyo Barcelona wareega 16-ka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Xiddigii hore kooxana Napoli Juventus, Inter iyo Real Madrid ayaa inta uu wareysigan ku dhex jiray waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waa inaad taxaddar muujisaa marka aad la ciyaareyso xiddig sida Lionel Messi oo kale ah”.

“Messi wuxuu awoodaa inuu dhaliyo 5 gool labo kulan, ama uu caawiyo 3 gool hal kulan, sida uu dhawaan sameeyay kulankii Real Betis, sidaas darteed wuxuu soo afjaraa dhibaato kasta ee kooxdiisa ka hor timaada”.

Intaas kaddib Fabio Cannavaro ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko Lionel Messi isagoo xiran maaliyada koox kale, iyo nidaamka cashuurta cusub ee halkan talyaaniga, wuxuu tijaabin karaa nasiibkiisa”.

“Waxaan u maleynayaa in Inter Milan ay tahay kooxda inta badan diyaar u ah inay sameyso heshiis noocan ah, si uu ugu biiro Lionel Messi”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here