Inter oo iska diidday dalabkii ugu horreeyay ee Barca ay ka soo gudbisay Lautaro Martinez

0
235
Inter Milan's Argentine forward Lautaro Martinez celebrates after scoring a goal during the UEFA Champions League Group F football match between Barcelona and Inter Milan at the Camp Nou stadium in Barcelona, on October 2, 2019. (Photo by LLUIS GENE / AFP)

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Suxufiga ka howl gala Jariiradda La Gazzetta dello Sport ee Nicolo Schira ayaa soo tabiyay in madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu oo bartilmaameedkiisa koowaad yahay Lautaro Martinez, waxaa markii ugu horreysay uu u gudbiyay naadiga Inter Milan dalab ka kooban lacag iyo labo xiddig.

Nerazzuri ayaase ku gacan seyrtay dalabkii dhiggeeda ay ka soo gudbiyeen Lautaro, kaasii oo ka koobnaa 70 milyan oo euro oo lagu daray Arturo Vidal iyo Nelson Semedo.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa la la xiriiriyay ku biirista kooxda Barca kaddib qaab ciyaareedkiisa wacan ee uu ku soo bandhigay garoonka San Siro, waxaana xusid mudan in heshiiskiisa lagu jebin karo 111 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, Schira ayaa warinaya inay Bluagrana raadineyso xal kale kaddib markii ay ku guuldarreysatay dalabkoodii koowaad, waxaana uu hadalkiisa ku daray in kooxda reer Talyaani ay doonayso kaliya lacag kaash ah.

Vidal ayaa bartilmaameed u ah tababaraha kooxda Inter ee Antonio Conte, halka kooxda reer Spain ay rajaynayso in Semedo uu u noqon karo fure ay ka qayb gelin karto heshiisyada qaaliga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Barcelona ay Lautaro Martinez kula heshiisay 10 milyan oo euro in sanadkii ay mushaar ahaan u siiyaan, balse waxaa hor taagan in Inter Milan ay ka dhaadhiciyaan ka soo iibsashada weeraryahanka reer Argentina.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here