Horudhac: Leicester City vs Chelsea

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa soo dhoweynaysa naadiga Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Premier League galabta oo Sabti ah, waxaana ay eegeysaa inay ka soo kabato niyad-jabkii ka soo gaaray inay seegeen inay u soo baxaan Final-ka EFL Cup kaddib markii ay khasaaro kala kulmeen Aston Villa.

Markii ay ku guuldarreysteen inay guul gaaraan labo kulan oo ciyaaraha sare ee horyaalka ah, Blues ayaa u safreysa garoonka King Power, iyadoo eegeysa inay soo yareyso farqiga dhibcaha horyaalka Premier League ee u dhexeeya iyaga iyo Kooxda kaalinta saddexaad ee Foxes oo ah shan dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti, 01 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 03:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: King Power Stadium

Garsooraha: Lee Stephen Mason (England)

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here