Hooyo Soomaaliyeed oo mudo ku dhow 20 sano la xanuunsantahay Cudur lugta ka naafeeyay.

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Qofka kasta oo bini`aadan ah wuxuu haminayaa in uu unolaado sida dadka kale ay yihiin oo uu helo caafimaad nolal wanaagsan waxbarasho iyo wax yaabaha kale oo nolashada aas aasiga ay u yihiin lakiin waxaa meesha ku jirtaa qadarta alle oo adoomadiisa aduunka ku tusaa imtixaano kala duwan.

Cadey aadan waa hooyo heysata hal wiil oo kaliya dadiisuna ay tahay 4 sano, waxaan muddo labaatan sano ah ay la nooshahay cudur kaga dhacay lugteeda midigta ah taasi oo haween iyo maalin ay la xanuunsan tahay.

Hooyo caday aadan waxay ku nooshahay degmada xudur ee xarunta gobolka bakool waxay sheegtay in mudadaan labaatanka sano ah ay san tagain wax dhaqaatiir ah taasi oo loola xiriirinaayo in ay san heysan wax qarash ah oo ay iskaga daweyso xanuunkaan kaga dhacay lugteeda midig.

Warkan Waxaa Noo heya Siid Ali Muuse Ateera

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here