Hooyo ku dhibaateysan Magaalada Baydhabo oo shaqa abuur loo sameeyey si ay u maareyso nolosha caruurteeda.

0
325

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xabiibo ibraahim cali waa hooyo heysata 7 caruur ah oo aabahooda ku geeriyeeday sanad kahor qarax ka dhacay magalaada baydhabo, inta uusan geeriyoonin aabaha qoyskaani ayaa waxay ahayeen kuwo nolashooda iska caadia ah oo aabaha ayaa waxaa uu kazoo shaqeynaayay magaalada oo wuxuu ahaa xamaalato.

Hooyo xabiibo ayaa kaligeed kunoqotay mareynta guriga kadib waxaa ay bilowday in ay shaah ku iibiso meel aan kafogeyn gurigeeda si ay u hesho lacag ay ku biilato guriga iyo lacagtii waxbarashada caruurteeda.

Si wax loogu qabto xaalada ay ku nool yihiin hooyo xabiibo iyo todobada caruur ay dhashay ayaa ururka samfalka soomaaliyeed ee alfa tarast oo ah dad muxsaniin ah oo ay kazoo jedaan degaanadaan koonfur galbeed oo ku nool dalka dibadiisa ayaa xabiibo waxaa ay ugu deqeen lacag dhan shan boqol oo dollar si ay ugu balaarido meeskeeda yar.

Warbixintan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here