Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo yeelaneysa sharci dhameystiran.

0
416

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAMA) ayaa yeelatay sharciga duulista rayidka, iyadoo shalay uu meel mariyay shacricgaas Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Axmed Macalin oo ah Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya yeelaneyso sharci dhameystiran oo ku aaddan duulista rayidka hadda, maadaama uu horay uu u jiray mid ay soo saartay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo  la ansixin ay dhacday Dowladdii militariga ee uu Hoggaaminyey Allaha u Naxriistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare .

Fadhigii shalay ay yeesheen Golaha Shacabka ayey ku meel mariyeen labada sharci ee kala ah:- Heshiiska Maalgashiga Darafyada badan iyo midka Duulista Rayidka.

Radio Arlaadi:- Siid Ali Muuse Ateera

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here